Website Terms and Conditions
𝟏. 𝐀𝐜𝐜𝐨𝐮𝐧𝐭𝐬
Waxaad u baahan tahay si aad u isticmaasho koorasyadeena akoon kuu gaar ah, ku xafid password-kaaga sirta ah meel aamin ah, sababtoo ah adiga ayaa ka mas’uul ah dhammaan hawlaha la xidhiidha akoonkaaga.
Haddii aad ka shakisan tahay in qof kale uu isticmaalayo akoonkaaga, nala soo socodsii adigoo la xiriiraya bahda Arwah Academy, adoo nagala soo xidhiidhayo WhatsApp-ka ama Telefoonka caadiga ah, sidoo kale waana inaadan ku xadgudbin shuruucda u degsan website-keena.
Waxaa waajib kugu ah inaad ka taxadarto oo aad ilaashato Password-kaaga sirta ah, ogsoonow hadii uu mar xirmo ama la xiro akoonkaaga adiga ayaa ka mas’uul ah wixii xog ah ee kaa luma ama aad weyso.
Fadlan marka aad galeyso akoonkaaga ha dooranin/ha dhihin “𝐒𝐚𝐯𝐞 𝐏𝐚𝐬𝐬𝐰𝐨𝐫𝐝” waayo wuxuu sahlayaa in qof kale si sahlan u galo akoonkaaga.
𝐅.𝐆: Hadii aadan nala soo xidhiidhin akoonkaagana sidaasi lagula wareego ama lagula isticmaalo, waan xiri doonaa akoonkaas, sidaasi darteed hababka lagu ilaaliyo Paswwords-ka la imow si akoonkaaga “Save” kuugu ahaado.
𝟐. 𝐂𝐨𝐧𝐭𝐞𝐧𝐭 𝐄𝐧𝐫𝐨𝐥𝐥𝐦𝐞𝐧𝐭 𝐚𝐧𝐝 𝐋𝐢𝐦𝐢𝐭𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐀𝐜𝐜𝐞𝐬𝐬
Markaad is diiwaangeliso koorsada aad rabto, waxaad naga helaysaa soo dhaweyn diirran kadib marka aad bixiso khidmada kooraska,
𝐃𝐢𝐠𝐧𝐢𝐢𝐧: hadii akoonkaaga lagula wadaago ama qofkale aad siiso waxaad ku xad-gudubtay xuquuqdeena, waxaana xaq u yeelaneynaa inaan kaa xirno akoonkaaga, waxaan leenahay hab kugu soo qaban doona sharci darradaas aad sameysay, kaana xiri doona akoonkaaga, hadii sidaasi aad sameyso ama aad lawadaagto akoonkaaga qof kale, uuna kaa xirmo akoonkaaga dib-na uma soo furi doono akoonkaas, sababo sharci darro oo aad sameysay awgeed.
Waxaan guud ahaan ku siinay ama aad heysataa marka laguu soo fasaxo kooraskii aad dalbatay aadna ku iibsatay 𝒇𝒖𝒍𝒍 𝒑𝒂𝒚𝒎𝒆𝒏𝒕/𝑸𝒊𝒊𝒎𝒂𝒉𝒂 𝒌𝒐𝒐𝒓𝒔𝒂𝒅𝒂 𝒐𝒐 𝒅𝒉𝒂𝒎𝒆𝒚𝒔𝒕𝒊𝒓𝒂𝒏 mudo 𝟏 𝐬𝐚𝐧𝐨 𝐚𝐡 “𝟏 𝐘𝐞𝐚𝐫 𝐀𝐜𝐜𝐞𝐬𝐬 𝐂𝐨𝐮𝐫𝐬𝐞” oo ka bilaabaneysa maalinta laguu soo fasaxo kooraska.
Sidoo kale hadii aad koorso/course ku hesho 𝑫𝒊𝒔𝒄𝒐𝒖𝒏𝒕/𝑸𝒊𝒊𝒎𝒂 𝑫𝒉𝒊𝒎𝒊𝒔, waxaad heysataa mudo 𝟭 𝗯𝗶𝗹 𝗮𝗵 “𝟭 𝗠𝗼𝗻𝘁𝗵 𝗔𝗰𝗰𝗲𝘀𝘀 𝗖𝗼𝘂𝗿𝘀𝗲”, oo ka bilaabaneysa maalinta laguu soo fasaxo kooraska.
Hadii aad koorso/course ku hesho 𝙨𝙞 𝙁𝙧𝙚𝙚/𝙗𝙞𝙡𝙖𝙖𝙨𝙝 𝙖𝙝, waxaad heysataa mudo 𝟭 𝘂𝘀𝗯𝘂𝘂𝗰 𝗮𝗵 “𝟭 𝗪𝗲𝗲𝗸 𝗔𝗰𝗰𝗲𝘀𝘀 𝗖𝗼𝘂𝗿𝘀𝗲”, isku day in aad kooraskaaga ku raaxeysato kahor waqtiyada sare ku xusan inta uusan kaa xirmin akoonkaaga.
𝟯. 𝗖𝗼𝗽𝘆𝗿𝗶𝗴𝗵𝘁
Waxyaabaha ku jira dhamaan website-keena waa xuquuq inaga noo gaar ah, majirto cid nala wadaagto ama isticmaali karto oggolaansho la’aan.
La Dagis Waa Mamnuuc: koorsooyinka kujira website-keena waa dalbo hada oo daawo durbadiiba, loomana ogola in ardaygu lasoo dago muuqaalada koorsada, waxaa kaliya oo la ogolyahay in lala soo dago waa course materials-ka lagu siiyay, koorsooyinkeena Arwah Academy waa 𝗽𝗿𝗮𝗰𝘁𝗶𝗰𝗮𝗹 𝟭𝟬𝟬% ah.
Marka laga reebo sida laguu siiyay xuquuqda xadidan ee daawashada cashirada uun kaliya, laguuma oggola wax ka baxsan in aad cashirada daawato kaliya maahee, Ammaano ayey kugu yihiin xitaa Daawashada cashiradeena, isticmaal kasta oo ka baxsan awoodaha lagu siiyayna[ee in aad daawato cashiradeena] waa mamnuuc, xaaraan ah sharciyan, iyada oo aanan oggolaansho ka heysanin Arwah Academy Team.
𝟰. 𝗙𝗲𝗲𝘀
𝗛𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗱𝗼 inaad u baahato inaad codsato in lacagtaadi laguu soo celiyo sababo jiro awgeed, waxaad codsan kartaa lacag celin buuxda mudo 3 maalmood gudaheeda ah lagasoo bilaabo waqtiga lacag bixintaada, ilaa iyo inta aanad helin wax ka badan 5% nuxurka koorsada ama aadan soo dejin wax agab ah oo koorsada ku dhex jira.
Haddii aad heshay in ka badan 5% nuxurka koorsada ama aad soo dejisay agabka koorsada ama 3 maalmood laga gudbo, xaq uma lihid lacag celin in laguu sameeyo, waayo waxaa buray mid kamid ah qodobada sare ku xusan.
Ka hor inta aadan bixin lacagta/fee-ga koorsada, waxaad aqbaleysaa [check ama tick saari doontaa] dhamaan qodobada sare ku xusan ee shuruucda, xuquuqda iyo sharciga u degsan website-ka, taasi oo ka dhigan “Waan waa aqriyay shuruucda website, waana aqbalay”.
Qiimaha koorsooyinka kujira Arwah Academy waa is badali karaan xili walba, go’aan kaasna waa mid ugaar ah Team-ka Academy-yada.
Fee-ga koorsada gorgortan malahan, waayo waa kuwa isku jaan-go’an, sidoo kale iskana hubi marka hore koorsada matahay koorsadii aad ubaahneyd, adoo eegaya Course-ka Contents-ka ay leedahay.