Website Privacy Policy
Waad ku mahadsan tahay kusoo biiristaada Arwah Academy, anagoo ah Arwah Academy Team waxaa waajib nagu ah ilaalintaada xogtaada gaarka ah, ogsoonow xogta adiga kugu saabsan [ee aad soo buuxisay marka aad is diiwaan gelineysay] in ay adiga kuu gaar tahay oo aysan cidina faro-gelin karin ama aysan ogaan karin. Habkaan aan ku ilaalinay xogaatada shaqsiga ah waxay ka tarjumeysaa xuquuqdaada ku saabsan xogtaada shakhsiyadeed.
Habkaan qarsoonaanta xogtaada waxey khusaysaa markaad booqato ama aad isticmaasho Arwah Academy website.
Adigoo isticmaalaya koorasyadeena, waxaad ogolaatay shuruucda habkan khaaska ah, waayo anaga waxaa waajib nagu ah in aan kuu qarino xogtaada, kaliya dhankaaga waxaa lagaa rabaa in aadan qofna lawadaagin UserName-kaaga iyo Password-kaaga, si aan lagula wadaagin ama loo arkin xogtaada khaaska ah.
Hadaba Arwah Academy markale waxey soo dhaweyneysaa kusoo biiristaada Academy-yada, waxaana rajeyneynaa in aad horay usoo aragtay Terms & Conditions-ka uu leeyahay website-keena.